Friday, February 19, 2010

Xafiiska Warfaafinta oo La wareegay Dhismaha Cusub ee Wakaalada Warbaahinta Mass Media Agency

Jigjiga (GuledCasoweBlog) Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa la wareegay Dhismaha cusub ee loo dhisay Wakaalada Warbaahinta Degaanka Soomaalida (Somali State Mas Media Agency).
Dhismahan cusub oo ay ku baxday lacag dhan 4 Milyan oo Birr, waxaana dhismihiisu uu bilowday badhtamihii sannadkii 2000, kaasoo socday muddo laba sanno ku dhawaad ah.
Dhismaha waxaa dhistay Shirkad Degaanka laga leeyahay oo la yidhaahdo Gila Construction oo uu leeyahay hantiile ka tirsanaan jiray qurbo jooga u dhalatay Degaanka Soomaalida.
Sida uu sheegay Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawlad Degaanka Soomaalida, Mudane Guuleed Casoowe, dhismahan waxaa uu ka kooban yahay Ground+1, wuxuuna leeyahay qolal badan oo iusugu jira qolalkii maamulka, shaqaalaha, & adeega kale.
Waxaa dhismahan ku yaala 5 studio oo mid ka mid ahi uu yahay studioga idaacada Jigjiga FM 99.1. Halka afarta studio ee kale ee yihiin kuwa idaacada la iska arko ee SRTV.
Sidoo kale, waxaa Madaxa Xafiiska Mudane Guuleed Casoowe uu sheegay in Xafiiska Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali uu dadaal dheer u galay sidii loo dardar galin lahaa hirgalinta & aasaasida Wakaalada Warbaahinta Mass Media Agency.
Dhinaca kale, waxaa Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawlad Degaanka Soomaalida, Mudane Guuleed Casoowe, uu sheegay in lagu guda jiro gogol xaadhkii diyaarinta bilaabista war baahinta idaacada FMta & ta Telefeshinka.
Dhismahan oo ka kooban laba qaybood oo kala durugsan waxaa ay ku fadhiyaan dhul aad u balaadhan oo u saamaxaya in mustaqbalka laga sameeyo studiyaal banaanka ah (Open Air Studios), kuwaas oo wax wayn ka taraya in idaacada & telefishinkuba ay sameeyaan barnaamijyo doodo shacab ah oo loo wada dhan yahay.
Madaxa Xafiiska Mudane Guuleed Casoowe, waxaa uu kaloo uu sheegay in dhismahan cusub oo designku uu sameeyay injineer u dhashay Degaanka Soomaalida uu u saamaxayo in si fudud ay u wada xidhiidhaan waaxyaha ay khusayso ee kala ah Idaacada Jigjiga FM 99.1, Telefishinka SRTV & Xafiiska warfaafinta oo meel kooban oo isku dhaw ay ku wada sugnaadaan.
CakaaraNews