Jigjiga (Guled Casowe Blog) Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha jaaliyada Degaanka Soomaalida ee Dalka Denmark Mudane Dhuux Cabdi Cumar.
Gudoomiyaha jaaliyada Degaanka Soomaaalida Mudane Dhuux Cabdi Cumar waxaa booqashadiisa ku weheliyay Maareeyaha Hay'ada Ilaalinta Bii'ada (Degaanka) ee Save The Environment Ethiopia Mudane Geedi Maxamuud Goohe.
Labadan masuul ayaa soo booqday Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Dhismaha Wakaalada Warbaahinta (Mass Media Agency).
Madaxa Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe iyo Gudoomiyaha jaaliyada Degaanka Soomaalida ee Denmark Mudane dhuux cabadi Cumar waxay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya doorka saxaafada iyo wacyi galinta jaaliyadaha. Waxaa labada masuul ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya xukuumada Degaanka Soomaalida iyo jaaliyadaha qurbo joogta ah.
Madaxa Warfaafinta Mudane Guuleed Casoowe ayaa carabaabay mudnaanta ay xukuumada Degaanku Soomaalidu haatan u hayso sidii ay u kobcin lahayd kasbashada iyo soo jiidashada bulshada qurbo joogta ah ee u dhalatay Degaanka Soomaalida. Waxaa uu Mudane Guuleed Casoowe xusay in maanta Degaanka Soomaalidu uu ku talaabsaday talaabooyin muhiim ah oo ay ugu wacan tahay heshiisyada nabada ee lala gaadhay Ururka UWSLF iyo wadahadalka nabad ee haatan ka dhex socda Ururka ONLF iyo Dawlada Itoobiya.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha jaaliyada Qurbo Joogta ee dalka Denmark, Mudane Dhuux Cabdi Cumar ayaa isna geestiisa ka sheegay in isagoo ku hadlaya magaca Jaaliyada Degaanka Soomaalida ee dalka Denmark ay maanta sharaf u tahay inuu xukuumada Degaanka Soomaalida ugu hambalyeeyo talaabooyinka wax ku oolka ah ee ay ku talaabsatay. Waxaa uu Mudane Dhuux tilmaamay in dedaalka wada hadalada nabada ee Xukuumadu ay gashay ay kor u qaaday kalsoonidii Jaaliyadaha qurbaha ku noolaa. Waxaa kale oo Mudane Dhuux carabaabay in talaabadii Xukuumada Degaanka Soomaalida ay dhawrka goor ku sii daayeen boqolaal maxaabiis ah ay abuurtay yididiilo san iyo rajo wanaagsan oo qurbo joogtu ay ka qabaan Degaanka Soomaalida.
Ugu danbayntii, waxaa masuulada soo booqday iyo Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe ay booqasho gaaban ku tageen Wakaalada Warbaahinta ee Degaanka Soomaalida oo haatan ay ka shaqayso Idaacada Jigjiga FM 99.1. Waxaa masuuliyiintu ay booqdeen shaqaalaha Idaacada Jigjiga FM 99.1. Waxaa kaloo ay indha-indheeyeen sida ay u socoto hawsha diyaarinta Idaacada La iska Arko ee SRSTV oo ah idaaacad telefeshin oo uu yeelan doono Degaanka Soomaalida.
Guled Casowe Blog
Monday, July 26, 2010
Monday, July 12, 2010
Maxaad ka Og Tahay Taariikhda Hasha Caanka Ah ee Garawo, Dhagayso Waraysigan
Jigjiga (Guled Casowe Blog) Dhawr bilood ka hor ayaa Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska waxaa uu shaaca ka qaaday in ay ku tala jiraan inay Taalo lagu maamuusayo Hashii caanka ahayd ee Garawo laga dhisi doono badhtamaha Tuulada Garawo oo ay ku taalo xabaashii ay ku aasnayd hashaasi.
Hadaba, waxaa Xafiiska warfaafinta Dhaqanka & Dalxiisku uu sameeyay daraasaad uu ku darsayo taariikhda dhabta ah ee Hasha Garawo, waxaana uu koox khabiiro cilmi baadhis ah u diray degaanada Dhagax-Buur, Gunagado, Dhagax-Madow, Sheygoosh & Awaare oo taariikhda Hasha Garawo ay wakhtiyo kala gadisan soo martay.
Kooxda Xafiiska Warfaafinta oo isugu jiray khabiiro cilmiga aataartka ku takhasusay & wariyayaal suxufiyaan ah ayaa waxaa ay baadhitaankooda waraysiyo la yeesheen dad badan oo taariikhda Hasha Garawo wax ka ogaa.
Dadka ay waraystaan waxaa ka mid ahaa oday la yidhaahdo Maxamed Cabdi Nuux Gacan jalab oo ah tafiirtii odaygii Shiil Cusmaan Ciid ee lahaa Hasha Garawo, iyo Gudoomiyaha Tuulada Garawo ee haatan Cabdulaahi Qalinle Buraale.
Hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa waraysiyo kala gadisan oo aan labada qof la yeelanay oo ay kaga jawaabayaan su'aalo badan oo aad u xiisa badan oo ay ka mid yihiin:
1) Halkay ku dhalatay Garawo? imisa ubad ah ayay dhashay? Imisa jir ayay ku dhimatay? Sidee loo maali jiray Garawo? Awr noocma ah ayaa abaahiyay Garawo hooyadeed? Halkee Garawo ay ku calool gashay?
2) Sidee loo aasay Garawo? Imisa daaqadood oo maro ah ayaa lagu kafmay? Xoolo intee le'eg ayaa aaska Garawo ku baxay?
3) Maxaa keenay jacaylka ilaa xadka le'eg in loo qabo neef xoolo ah? Halkee ku danbeeyeen tafiirtii Garawo?
4) Aasida Hasha Garawo ma waxay ahayd hindise & hawl uu shaqsi gaar ahi qabtay, mise hawl guud oo jamac ahaan bulshadu u qabatay?
5) Xaalada haatan ay ku sugan tahay xabaashii Garawo waa sidee? Shacabku ma ogol yahay in taalo loo dhiso lagu maamuusaayo Hasha Garawo?
6) Qisooyinka mucjisada & la yaabka leh ee ku aroora hasha Garawo, kuwee xaqiiq ah kuweese ku tidhi ku teen ah?
7) Halkee ku haboon in Taalada Hasha Garawo laga dhiso? Ma meesha ay ku calool gashay oo Sheygoosh ah? Ma meeshii ay Nirigtii ugu horaysay ay ku dhashay oo aagga Gunagado ah? Ma meeshii ay ku dhimatay oo Tuulada Garawo ah?
Fadlan, waxaa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawlad Degaanka Soomaalida uu si wayn u soo dhawaynayaa wixii fikrad & talo ah ee ku aadan sidii loo hirgalin lahaa taalada lagu xusayo Hasha Caanka ah ee Garawo.
Wadani
Inta Giib sokeeye ah ka kacay, geyiga Soomaali
Inta Gumar mid daaqsiiya iyo, geeri la-xasuusto
Mid Ganboor u qooshiyo intay, mudatay Geel-tooshe
Laylis aan la-geda-barin intuu, goonni ula buubay
Gabnay iyo Gulaal buu noqdaa, Garawo Awrkeede
Hadba Goray an guux yeelan baa, Geel u doobsada'e
Wuxuun baa gollaha kaga jiroo, gaar u fiigsada'e,
Gab-gabliyo waxaa lagu salliday, Gaabis aan taline
Faarax Cawil Jaamac - Buluqbaash
Shawi
Haddii uu nin gabadh doono oo guunyo badan dhiibo
In kastuu Gammaan soo dhuroo gobi is laab raacdo
Gacaladuba waxay saaran tahay sidigta Gooraane
Haddii Gool la qalo oo hilbaha laysu wada geeyo
Gogosha iyo Guurtida fadhida geelow adigaa leh
Iyadoo Hilaac galalac yidhi Garawo soo raacday
Iyadoo daruuraha gabdhamey dibugu soo guurtey
Iyadoo Gargaro meel leh iyo galax bannaan joogta
Guutooyin loo dhuray haddii weerar lagu gaadho
Cilmi Ismail Liibaan “Boodhari”
Anba gawska waan heysana gabnoo sumace,
Ma gabdheey ahayeen ragii garawo maalaayay
Cabdi Maxamed Aw Magan (Cabdi Galayax)
Geela
Gadhtallawga maantay Nugaal Garawo soo aaddo
Iyada oo Harraad gubey ninkii Guuliyaan ahaye
Garanuug an toogtiyo ri' aan galin dhan hiigaayay
Maxamed Cabdulle Cali (Gammuute)
Guur Aan Ka La'aado
Gaar gaarka awrtiyo nirgaha geela laga reebay
Guri jooga xoolaha midaan goosanka u diidin
Een garanin soo dheellan ee guriga uun joogta
Gudbantaan halkayguba galayn guur aan ka laaado
Allow garawo giirkiyo afkiyo ganafka taagaysa
Oo qoolka uun kula galdii magac waxay gaadho
Gandihii miduu wada nacee gacal ka fiigaysa
Gool boodadii laga samree gooysay ubadkeeda
Intay dhiig isoo galin lahayd guur aan ka laaado

Subscribe to:
Posts (Atom)