Thursday, August 12, 2010

Idaacada Jigjiga FM 99.1 oo Kordhisay Baaxada Daboolkeeda iyadoo Gaadhay Degmooyin Kale

Jigjiga (Guled Casowe Blog) Wasiirka Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe ayaa sheegay in idaacada Jigjiga FM 99.1 ay haatan gaadhay degmooyin aad u badan. Wasiirka oo la hadlayay saxaafada Degaanka Soomaalida yaa sheegay in war laliye dhererkiisu yahay 85 Mitir oo laga taagay dusha Buurta Kaara Mardha ay u saamaxday in idaacadu ay haatan gaadho degmooyin aad u badan.

Wasiirku waxaa uu intaa ku daray in ilaa haatan ay xaqiijiyeen in idaacadu si nadiis ah looga dhagaystay oo ay baahinteedu gaadhayso degmooyin badan oo kala ah, Dhagaxle (39 Km) Qabri Bayax (51 Km), Baabili (52 Km), Dambal (54 Km) Awbare (65 Km), Fiiq (90 Km) Shiniile (106 Km) Erer (152) Dhagax-Buur (153 Km) Dhagax Madow (154 Km) Ayshica (160 Km) Huuraale (184 Km) Sagag (186 Km) Awaare (193 Km) Xamaro (197 Km) Af Dam (197 Km) Laga Hida (204 Km) Gunagado (214 Km) Garbo (234 Km) Salaxaad (244 Km) Sheygoosh (250 Km) Dhuxun (252 Km).

Sidoo kale, waxaa uu Mudane Guuleed Casoowe uu sheegay in tijaabadan ay tahay tii koowaad ee ay War laliyaha Kaaramardha uu sameeyo, oo marka ku xigta la filayo in la gaadhsiiyo xaga Bariga ilaa Badwaynta Hindiya xaga Waqooyigana la gaadhsiiyo ilaa Bada Cas. Waxaa uu Wasiirku Mudane Guuleed Casoowe sheegay in tijaabada labaad ee tan ku xigta lagu sii dayn doono degmooyinka Gaashaamo (303 Km) Dhanaan (326 Km) Iimeey Bari (327 Km) , Iimeey Galbeed (332 Km) Qabri Dahar (334 Km) Danood (340 Km) wardheer (387 Km) Godey (387 Km) Dhoobo Weyn (396 Km) Ceel Kari (398 Km) Cadaadle (404 Km) Goro Baqaqsa (406 Km) Shilaabo (424 Km) Gura Dhaamoole (425 Km) Qalaafe (447 Km)

Tan iyo intii la furay idaacada Jigjiga FM 99.1 ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay shacabka Degaanka Soomaalida iyadoo noqotay idaacadii ugu horeeysay ee ay leedahay Dawlad Degaanka Soomaalida. Idaacadan ayaa noqotay isha qudha ee shavabka Jigjiga iyo nawaaxigeedda ku nool ay kala socdaan waxa ka dhacaya Degaanka iyo dunida inteeda kaleba. Waxaa kaloo ka qayb qaatay dhalinyaro aqoonyahano ah oo ku nool dalalka dibada oo barnaamijyo khaas ah u soo diyaariyay Idaacada Jigjiga FM 99.1. Isaga oo taas tusaalaynaya waxaa uu Wasiirku tusaale u soo qaatay in ardayda u dhalatay Degaanka Soomaalida ee wax ka barta dalka Hindiya ay barnaamijyo u soo direen idaacada Jigjiga FM 99.1 oo ay shacabku aad uga heleen.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe ayaa dhinaca kale ka sheegay in Bishan Ramadaanka badhtamaheeda la filayo in Degaanku uu furo idaacada telefeshinka uu Degaanku leeyahay.

Guled Casowe Blog

Friday, August 06, 2010

Wasiirka Warfaafinta oo La Kulmay Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Ururka ONLF & Gadh Wadeenka Wafdiga Wada Hadalada Nabada ee Ururka ONLF

Jigjiga (Guled Casowe Blog) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Guuleed Casoowe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Ururka ONLF Mudane Cabdirashiid Shariif Cali iyo Gadh Wadeenka Wafdiga Wada Hadalada Nabada ee Ururka ONLF Mudane Maxamed Faarax Coloow.
Wasiirka Mudane Guuleed Casoowe iyo labada masuul waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay sidii dedaalka iyo geedi socodka wada hadalada nabadeed ee u dhexeeya Ururka ONLF & dawlada Itoobiya loogu baraarujin lahaa bulshada Degaanka Soomaalida, iyadoo la adeegsanayo saxaafada & hanaanka warbaahinta ee Degaanka Soomaalida iyo dalka intiisa kale.

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxay masuuliyiinta Ururka ONLF ee kala ah Gudoomiye K/Xigeenka 2aad Mudane Cabdirashiid Shariif Cali iyo Gadh Wadeenka Wafdiga ONLF ee Wada hadalada Mudane Maxamed Faarax Coloow ay booqdeen Xarunta Warbaahinta Dawlad Degaanka Soomaalida oo saldhig u ah Idaaacada Jigjiga FM 99.1 iyo Telefishanka la iska arko ee muddo dhaw laga hirgalin doono Degaanka Soomaalida.

Gudoomiye Ku Xigeenka Mudane Cabdirashiid Shariif iyo masuulka kale ee Maxamed Faarax Coloow ayaa booqashadan ka dib Shabakada CakaaraNews u sheegay inay aad ugu bogeen xawliga uu ku socda dedaalka horumarka degaanka ka jira.

Dhanka kalana, Wasiirka Warfaafinta Mudane Guuleed Casoowe ayaa wafdiga soo booqday aad ugu bogaadiyay talaabada geesinimada leh ee ay ku qaateen in nabad lagu soo dabaalo gayiga Degaanka Soomaalida Itoobiya. ku socdo
Guled Casowe Blog