Monday, June 14, 2010

Jigjiga FM 99.1. Oo Sii Hormarisay Barnaamijyada Madadaalada & Wacyi Galinta ee Ay Sii Daynayso

altJigjiga (Guled Casowe Blog) Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe ayaa maanta saxaafada u sheegay in idaacada Jigjiga FM 99.1 ay sii balaadhinayso barnaamijyadeeda ku aadan wacyi galinta & madadaalada bulshada.

Mudane Guuleed Casoowe shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa tibaaxay in mudadii todobaadka ahayd ee ay idaacada Jigjiga FM 99.1 ay hawada ku jirtay ay heleen talo bixin & fikrado aan la soo koobi karin oo aan la qiyaasi karin.

"Maalintii labaad ee idaacada ay hawada ku jirtay waxaa xarunta warbaahinta soo gaadhay 4,000 oo taleefan oo dhagaystayaashu ay soo waceen, iyagoo soo gudbinayay tahniyado, hambalyo, bogaadin & fikrado wax tusaalayn ah". ayuu yidhi Mudane Guuleed Casoowe.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu Madaxa xafiisku sheegay "Tiradan intaa le'eg waxay nagu noqotay wax aanan sii filanayn oo amakaag iyo fajac nagu abuurtay". ayuu raaciyay Mudane Guuleed Casoowe.
Mar uu ka hadlayay barnaamijyada ay haatan idaacadu soo gudbiso waxaa uu Mudane Guuleed Casoowe carabaabay in ku talagalkoodii hore ay badaleen. "Maadaama haatan loo gudagalay tartankii Koobka Aduunka ee Kubada Cagta ee South Africa 2010, waxaa qasab nagu noqotay in barnaamijyo ay ka mid yihiin falanqaynta ciyaaraha aduunka & faaqidaada koobka aduunka aan ku soo biirino idaacada" ayuu yidhi Mudane Guuleed Casoowe.

Sidoo kale, waxaa uu Mudane Guuleed Casoowe sheegay inay saacadaha ay idaacada hawada ku jirto oo dhan 18 saacadood ay afar saacadood oo ka mid ah ay u qoondeeyeen barnaamijyo wacdi diini ah oo lagu tarbiyadeeyo dhalinyarada iyo wacyi galinta shacabka degaanka.

Maareeyaha Guud ee Waaxda Warbaahinta ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Cabdulaahi Xasan (Bare) oo ka hadlaya jadwalka wararka ee idaacadu ay haatan sida tijaabada ah u gudbin doonto waxaa uu sheegay inay idaacadu haatan soo dayn doonto wararka saacadaha Geeska Afrika marka ay yihiin 10:00 (Warkii Xalay), 12:00 (War Cusub) 14:00 (Ku Celin) 16:00 (War Cusub), 18:00 (Ku Celin), 20:00 (War Cusub), 22:00 (Ku Celin).

Sidaa aawadeed waxay Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska & Maareeyaha Wakaalada Warbaahinta (Mass Media Agency) ay shacabka ugu baaqeen inay jadwalka cusub ee idaacada Jigjiga FM 99.1 ay hada kadib sidaa ula socdaan.

Guled Casowe Blog

Wednesday, June 09, 2010

Madaxa Warfaafinta oo Xafiiska Caafimaadka & Hay'adaha Ka Shaqaynaya Ololaha Talaalka ugu Balan Qaaday Warbaahinta Degaanku Garab Taagan Tahay

Jigjiga (Guled Casowe Blog) Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe ayaa saaka Xafiiska Caafimaadka & Hay'adaha aan Dawliga Ahayn ee ka shaqeeya adeega caafimaadka & ololaha Talaaka ugu balan qaaday in warbaahinta Degaanka Soomaalida ee curdinka ah ay garab taagan tahay wacyi galinta dhinaca adeega caafimaadka.

Madaxa Xafiiska Warfaafinta Mudane Guuleed Casoowe oo ka hadlayay kulan saaka lagu qabtay Xafiiska Caafimaadka oo loogu diyaar garoobayay fulinta Talaalka TT oo beri ka bilaambaya Degaanka Soomaalida ayaa waaxyaha ku shaqada leh adeega caafimaadka in Idaacada Jigjiga FM 99.1 ee haatan la furay ay bilowgiiba ka qayb qaataday wacyi galinta dhinaca caafimaadka.

Wuxuu Madaxa Xafiiska Warfaafinta tilmaamay in adeega war baahinta ee Degaanka Soomaalidu uu haatan ku jiro marxalad ugub ah oo u baahan in la sii labanlaabo.

Waxaa kulankan ka qayb galay waaxyaha bulshada & ururada rayidka ah oo iyaguna ku balan qaaday inay garab istaagayaan ololaha talaalka


Guled Casowe Blog