Jigjiga (Guled Casowe Blog) Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe ayaa maanta saxaafada u sheegay in idaacada Jigjiga FM 99.1 ay sii balaadhinayso barnaamijyadeeda ku aadan wacyi galinta & madadaalada bulshada.
Mudane Guuleed Casoowe shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa tibaaxay in mudadii todobaadka ahayd ee ay idaacada Jigjiga FM 99.1 ay hawada ku jirtay ay heleen talo bixin & fikrado aan la soo koobi karin oo aan la qiyaasi karin.
"Maalintii labaad ee idaacada ay hawada ku jirtay waxaa xarunta warbaahinta soo gaadhay 4,000 oo taleefan oo dhagaystayaashu ay soo waceen, iyagoo soo gudbinayay tahniyado, hambalyo, bogaadin & fikrado wax tusaalayn ah". ayuu yidhi Mudane Guuleed Casoowe.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu Madaxa xafiisku sheegay "Tiradan intaa le'eg waxay nagu noqotay wax aanan sii filanayn oo amakaag iyo fajac nagu abuurtay". ayuu raaciyay Mudane Guuleed Casoowe.
Mar uu ka hadlayay barnaamijyada ay haatan idaacadu soo gudbiso waxaa uu Mudane Guuleed Casoowe carabaabay in ku talagalkoodii hore ay badaleen. "Maadaama haatan loo gudagalay tartankii Koobka Aduunka ee Kubada Cagta ee South Africa 2010, waxaa qasab nagu noqotay in barnaamijyo ay ka mid yihiin falanqaynta ciyaaraha aduunka & faaqidaada koobka aduunka aan ku soo biirino idaacada" ayuu yidhi Mudane Guuleed Casoowe.
Sidoo kale, waxaa uu Mudane Guuleed Casoowe sheegay inay saacadaha ay idaacada hawada ku jirto oo dhan 18 saacadood ay afar saacadood oo ka mid ah ay u qoondeeyeen barnaamijyo wacdi diini ah oo lagu tarbiyadeeyo dhalinyarada iyo wacyi galinta shacabka degaanka.
Maareeyaha Guud ee Waaxda Warbaahinta ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Cabdulaahi Xasan (Bare) oo ka hadlaya jadwalka wararka ee idaacadu ay haatan sida tijaabada ah u gudbin doonto waxaa uu sheegay inay idaacadu haatan soo dayn doonto wararka saacadaha Geeska Afrika marka ay yihiin 10:00 (Warkii Xalay), 12:00 (War Cusub) 14:00 (Ku Celin) 16:00 (War Cusub), 18:00 (Ku Celin), 20:00 (War Cusub), 22:00 (Ku Celin).
Sidaa aawadeed waxay Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska & Maareeyaha Wakaalada Warbaahinta (Mass Media Agency) ay shacabka ugu baaqeen inay jadwalka cusub ee idaacada Jigjiga FM 99.1 ay hada kadib sidaa ula socdaan.
Guled Casowe Blog
No comments:
Post a Comment