Thursday, April 22, 2010

Madaxa Warfaafinta oo La Kulmay Qurbo Joog Maalqabeeno ah oo ka Yimid Dalka Koonfur Afrika

altJigjiga (GuledCasoweBlog) Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ayaa la kulmay qurbo joog ganacsato ah oo ka yimid dalka Koonfur Afrika oo maalgashi u yimid Degaanka Soomaalida.


Maalqabeenada oo kala ah Mudane Iishaar Maxamed Doolaal, Nuur Axmed Hudle, Cusmaan Cali Abshir, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Saahid, Abshir Aadan, & Badri Cabdiraxmaan.


Madaxa Warfaafinta & Maalqabeenada waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan siyaasada horumarka ee Degaanka iyo koboca maalgashiga ee Degaanka Soomaalida ka socda.


Sidoo kale, waxay wafdiga qurb joogta ka yimid dalka Koonfur Afrika ay kulamo kala gadisan la yeesheen Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxa Xafiiska Maalgalinta Mudane Qalbi Axmed Jaamac, iyo Madaxa Xafiiska Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Degaanka Soomaalida Mudane Farxaan Xuseen Cabdi.
CakaaraNews


Hotmail: Trusted email with powerful SPAM protection. Sign up now.

Tuesday, April 13, 2010

Madaxa Warfaafinta oo Gudoomay Hal-Abuur & Xubinimada Somali Pen ee Degaanka Soomaalida

altJigjiga (CakaaraNews) Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Guuleed Casoowe ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay ergayda ka socotay Xarunta Dhexe ee Halabuur iyo xidhiidhka qalinlayda Af Soomaaliga ee Afka Qalaad loogu yeedho Somali Pen.


Ergayda Halabuur oo fadhigoodu yahay Jamhuuriyada Jabuuti oo ay hor kacayeen Tifatiraha Guud ee Halabuur ahna Gudoomiyaha Bahwaynta Qalinleyda Afka Somaaliga Dr Maxamed Daahir Afrax, Tifatire Aadan Xasan Aadan (Beleloo), Maareeyaha Farsamada ee Halabuur Cumar Siciid Bille, waxaa kaloo wafdiga ergada Halabuur la socday Cusmaan Buux Odowaa & Abubakar Saliid Buux.
altKulankan oo loogu gol lahaa daah furka Wargey Xilliyeedka Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida ee Halabuur oo laga sameeyay Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga waxaa si wadajir ah isaga kaashaday Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska, Jaamacada Jigjiga, iyo Xafiiska Waxbarashada ee Degaanka Soomaalida.


Kulankan maanta ka dhacay Xafiiska Warfaafinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta ugu sareeya ee Jaamacada Jigjiga iyo Ku Xigeenka Xafiiska Waxbarashada Mudane Cabdulaahi Gisile. Waxaa kaloo kulankan maanta goob jpoog ka ahaa Gudoomiyaha Degmada Jigjiga.


Kulankan oo uu furay Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada uu leeyahay afka Hooyo & xilka dadka ka wada saaran sidii loo ilaalin lahaa loona kobcin lahaa Afka Soomaaliga.


Waxaa dabadeed hadalka qaatay Guddomiyaha Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed (Somali Speaking Pen), Maxamed Daahir Afrax oo Warbixin guud oo dheer halkaa ka soo jeediyay, taas oo uu sawir cad ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay uu soo maray Naadiga Somali Pen.
altMunaasabaddan waa fursad qaali ah, waxaana ku faraxsannahay in aynu u kulannay ujeeddo qaali ah oo ah horumarinta hal-abuur ku qoran afka Hooyo,"ayuu yiri Maxamed Daahir Afrax oo intaas ku sii daray.


"Waxaan aad ugu faraxsannahay in aan anagoo hal meel ku wada kulano Xafiiska Warfaafinta, Jaamacada Jigjiga, Xafiiska Waxbarashada, Halabuur & Somali Pen, waxaan u qaadaneynaa in ay yihiin saaxibada qalin-leyda, hal-abuurka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Waa fursad qaali ah" ayuu yiri Guddoomiyaha Somali-Speakin PEN.


Guddoomiyaha Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-Abuurka Soomaaliyeed Dr. Maxamed Daahir Afrax waxaa uu intaas ku daray in ay damacsan yihiin inay Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ay iska kaashanayaan sidii Caasimada Jigjiga looga abuuri lahaa Munaasabadda Carwo Buugeed oo leh seddex ahmiyadood oo kala ah:


1) Hirgelinta Erayga qoran
2) Horumarinta hal-abuurka ku qoran Afka Hooyo
3) Himad-gelinta iyo u hiilinta qorayaasha soo koraya, siiba kuwa wax ku qoraya Afka Hooyo, Soomaaliga.
alt

Sidoo kale, waxaa madasha ka hadlay Mudane Aadan Xasan Aadan, Cumar Siciid, Cabdulaahi Gizile iyo masuuliyiin kale oo fara badan.
Ugu danbayntii waxay ergayda Halabuur & Somali Pen iyo masuuliyiintii ka socotay Xukuumada Degaanka Soomaalida & Jigjiga University ay booqashooyin kala duwan ku kala bixiyeen machadyada & xarumaha waxbarashada ee ka jira Degaanka Soomaalida.
CakaaraNews


Your E-mail and More On-the-Go. Get Windows Live Hotmail Free. Sign up now.

Monday, April 05, 2010

Fanaanad Cadar Axmed Kaahin oo Si Heer Boqorad Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Jigjiga

altJigjiga (CakaaraNews) Fanaanada caanka ah ee Cadar Axmed Kaahin ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga. Fanaanada oo ka soo kicintay cariga Maraykanka bishan aan ku jirno 3deedii ayaa xalay saqdii dhexe soo gaadhay Gegida Dayuuradaha Caalamiga ah ee Bole International Airport ee Magaalada Addis Ababa.
Waxaa fanaanada Gegida Bole ku sugayay masuuliyiin ka socotay Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawlad Degaanka Soomaalida kuwaas oo ilaa saaka salaadii subax fanaanada ku wehelinayay ilaa intii ay transitka ku ahayd Gegida Diyaaradaha ee Bole International Airport.
altKadib waxay Fanaanadu u soo anbabaxday dhanka Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga iyadoo si VIP ah loogu soo qaaday dayuurad ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines. Intii ayna diyaarada ay la socotay fanaanadu ayna soo caga dhigan Jigjiga International Airport waxaa gegida dayuuradaha isku xoomay dadwayne aad u fara badan.
Waxaa Fanaanada Cadar ilaa intii ay ku soo jirtay duulimaadkeeda ilaa Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga lagu sharfayay marti qaad iyo tixgalin gaar ah oo ay u samaynayeen shaqaalaha iyo marti soorka diyaarada dhexdeeda oo marti qaadka uu ka mid ahaa.

altWaxaa kaloo gegida dayuuradaha ee Jigjiga Airport ku sugnaa madax & masuuliyiin fara badan oo ka socday Xukuumada Dawlad Degaanka Soomaalida oo ay hor kacayeen Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe, Madaxa Komishinka Booliska Degaanka Soomaalida Mudane Yuusuf Jalaale, Komishinka Asluubta Mudane Cabdi Bade Cusmaan, Ku Xigeenka Xafiiska Ka Hortaga & U Diyaar Garowga Masiibooyinka DDS Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, Agaasinka Qorshaynta & Barnaamijyada Xafiiska HAPCO Mudane Maxamuud Heeryo, Agaasinka Qorshaynta Xafiiska Caafimaadka Mudane Cabdiraxmaan Aadan (Hereri), Madaxa Xafiiska Maalgalinta Mudane Qalbi Axmed.
Waxaa kale oo dadwaynaha soo dhawaynayay fanaanada Cadar Axmed Kaahin ka mid ahaa fanaaniinta fanka & sugaanta ee Dawlad Degaanka Soomaalida oo ay ka mid yihiin kooxaha Wadani Stars, Kooxda Ilays Band, Kooxda Qureysh Fiiq Band iyo kuwo kale. Waxaa kale oo iayagana Fanaanada ku soo dhaweeyay Haween badan oo isugu jira asxaab, qaraabo, ehel, ganacsato & masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Degaanka Soomaalida.
Dayuuradii siday Fanaanada Cadar Axmed Kaahin ayaa abaaro 11:00 Barq  animo soo caga dhigatay gegida waxaana hal mar wada yeedhay sawaxan iyo luuqda jaanta & jabaqda ay sameenayeen kooxaha hidaha & dhaqanka oo Dhaanto ku soo dhaweeyay fanaanada. Kadib markii la furay albaabkii diyaarada ayaa waxaa ka soo baxay Fanaanada Cadar Axmed Kaahin oo labada gacmood kala hayaan labadii Pilot ee diyaarada waday oo si sharaf leh uga soo dajiyay jaranjartii diyaarada.
Fanaanada ayaa markii ay cagaheeda taabteen dhulka hal mar labadeeda indhood ka soo boodeen ilmo kulul iyadoo farxad la ilmaysay markii ay aragtay sida sharafta leh ee loo soo dhaweeyay. Waxaa fanaanada diyaarada hoosteeda ubax ugu dhiibay gabadh yar oo qoortana u sudhay ubax iyo qoor xidh sharfeed.
Fanaanada oo labadeeda indhood ay wali ilmadu ka hoorayso ayaa bilowday gacan qaad inay ku salaanto madaxdii soo dhawaynaysay oo iyaga laftooda la qiirooday shucuurta fanaanada iyo weedhaha salaanta ah ee fanaaniintu ay ku luuqanayeen. Waxaa gegida dayuuradaha laga bilaabay ciyaaro dhaqameed isugu jira Dhaanto, Wilwilo & Buraanbur kala gadisan oo lagu amaanayo laguna dhiiri galinayo sharafta fanaanada timid dhulkeeda hooyo.
Fanaanada & madaxdii ayaa halkaas ciyaaraha kula ciyaaray fanaaniinta iyadoo Marwo Cadar Axmed Kaahin ay marba qof salaantii ku dul ooyayso. Weedhii qudha ahayd ee ka soo baxday Cadar Axmed Kaahin ayaa ahayd "Waligay dad waan soo dhawayn jiray, laakiin laba shey ayaa maanta igu kalifay in aan la ilmeeyo. Mida koowaad waxay tahay, waligay ma arag wax i soo dhaweeya, waligayna ma arag sidan boqornimada leh ee la ii soo dhaweeyay. Mida labaad waxay tahay isma lahayn dhul & dad aad leedahay ayaad ka maqan tahay. Maantase waxaan xaqiiqsaday in aaan riyadaydii gaadhay".
Kadib markii ay fanaanada & dadkii soo dhawaynayay ay ka soo anbabaxeen Gegida dayuuradaha ee Jigjiga waxau kolonyadii gawaadhida ahaa ee galbinayay fanaanada ay u baqooleen dhanka magaalada Jigjiga iyadoo ilmadii ka socotay fanaanada indhaheeda ay isku badaleen shucuur farxadeed & raynrayn. Waxaa dabadeed la isugu tagay barxada Huteelka Xamda ee Caasimada Jigjiga halkaas oo fanaaniinta Degaanka Soomaalida & Marwo Cadar Axmed Kaahin ay ku qabsadeen ciyaaro Dhaanto ah oo kala duwan.
Isku soo wada duuboo, imaatinka Fanaanada Cadar Axmed Kaahin oo ah fanaanad u dhalatay Degaanka Soomaalida ayaa maanta si aad ah looga dareemayay dhamaan daafaha Caasimada Jigjiga, iyadoo shacabka ku nool Gobolka Dhagax-Buurna ay taleefanada cidhiidhi galiyeen sida ay isaga xog waraysayeen imaatinka Fanaanada Cadar Axmed Kaahin.
Mar ay Fanaanada Cadar Axmed Kaahin ay la hadashay saxaafada iyadoo ku sugan qolka nasashada ee Hotelka Xamda, waxay mahad gaar ah u celisay Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Mudane Daa'uud Maxamed Cali & Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay sheegtay inuu galiyay rajada inay soo booqato dhulkeeda hooyo inta ay nooshahay.
Waxay Fanaanadu sheegtay in Hogaanka oo ay taleefan ku wada hadleen uu u sheegay in ay degaankan u wada dhasheen. Waxay fanaanadu sheegaty inuu Hogaanku ku yidhi "Kaama xigo Degaankan oo waan u wada dhalanay, qof kaa xigana ma leh, xor baadna u tahay inaad timaado iyo inaad ku noolaato".Waxay fanaanadu carabka ku dhufatay in Hogaanku u cadeeyay in sidii ay hore warbaahinta & saxaafada uga sheegeen inay dhiiri galinayaan in dadka degaankan u dhashay ee ku sugan qurbaha ay xor u yihiin inay yimaadaan dhulkooda oo ay maal gashadaan.
Waxay fanaanadu sidoo kale u mahad celisay Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska oo ku dhiiri galiyay inay dalkeeda & degaankeeda soo booqato oo ilaa soo dhawayntaa aadka u qaayaha badneed u diyaariyay. Waxayna fanaanadu tidhi "Maanta ayaan noqday Boqorad u dhalatay Degaanka Soomaalida oo leh calan & dawlad lagu hirto".
Sidoo kale, Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe ayaa tilmaamay in imaatinka Cadar Axmed Kaahin ay galisay shucuur wadanimo & mid degaaneed. Wuxuu Mudane Guuleed yidhi "Waxaan ilmada ka da'aysay indhaha Fanaanada Cadar Axmed Kaahin aan ka dareemay in ayna jirin meel lagu doorsan karo dhulkaaga hooyo". Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Mudane Guuleed Casoowe raaciyay "Waxaa gubayay Fanaada Cadar Axmed Kaahin waa marti soorka ay ku aragtay tan iyo intii ay soo gaadhay dalka Itoobiya laga soo bilaabo xalay saqdii dhexe oo ay ku sugnayd caasimada Addis Ababa oo Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska uu ugu diyaariyay koox halkaas ku madadaalisa fanaanada inta ay ku jirto transitka sugida duulimaadka Jigjiga & soo dhawyntii aan loo kala hadhin ee ay ku aragtay Caasimada Jigjiga". ayuu yidhi Mudane Guuleed Casoowe.
CakaaraNews


Hotmail: Free, trusted and rich email service. Get it now.

Thursday, April 01, 2010

Tartanka Gabayada oo Lagu Qabtay Caasimada Jigjiga

altJigjiga (CakaaraNews) Tartanka 1aad ee Gabayada & Suugaanta Degaanka Soomaalida ayaa maanta lagu qabtay Hoolka Shirarka Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee Caasimada Degaanka Soomaalida ee Jigjiga.


Tartankan oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Degaanka Soomaalida ayaa ah midkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Degaanka Soomaalida.


Tartankan oo ay ka soo qayb galeen tartamayaal tobaneeyo ah waxaa kaloo ka soo qayb galay marti sharaf isugu jirta masuuliyiinta Xukuumada Degaanka Soomaalida, bulshada rayidka ah & ardayda cilmiga social science ee dhigata fasalka 11aad ee Dugsiga Sare ee Jigjiga.
       
Waxaa tartankan tartamayaasha kala duwan u garsoorayay abwaano waawayn oo aadka looga danbeeyo dhinaca maansada suugaanta & dhaqanka e bulshada Degaanka Soomaalida.
       alt
Waxaa abwaanada ka mid ahaa Abwaanka Weyn ee gabyaaga ah ee Cabdulaahi Macalin Axmed (Dhoodaan), Abwaanka Daahir Cudhaadh, Abwaan Axmed Sheekh Cabdiraxmaan (Axmed Shiine), Gabyaa Faarax Gaarane Cabdi & Gabyaa Tirfe
         altalt

Tartankan oo aad u xiisa badnaa ayaa waxaa bilowgii furay Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Guuleed Casoowe oo aad ugu hambalyeeyay ka soo qayb-galayaasha sida geesinamada leh ee ay ugu soo dhiiradeen inay ka qayb qaataan tartankan oo aan hore Degaanka Soomaalida looga qaban.

Kadib khudbadii Madaxa Xafiiska Mudane Guuleed Casoowe waxaa loo guda galay tartankii gabayada, iyagoo tartamayaal tiradoodu dhan tahay 13 tartame ay muddo 3 saacadood ah soo jeedinayeen gabayo ay ku sharaxayaan halku dhiga tartankan loo qaatay oo ahaa "Horumar & Nabadgalyo".

Tartamayaasha oo isugu jiray dhalinyaro, arday, haween, shaqaale dawladeed, xubno booliska ka tirsan, culimo u diin, indheer garad, & aqoon yahan waxaa ay ka kala socdeen dhamaan qaybaha kala gadisan ee bulshada Degaanka.


altMagacyada tartamayaasha ayaa kala ahaa sidan soo socota

1) Badal Cabdulaahi Geele oo ku guulaystay kaalinta 1aad
2) Maxamed Muxumed Axmed oo ku guulaystay kaalinta 2aad
3) Cabdi Cali Nuur (Saxardiid) SPDP  oo ku guulaystay kaalinta 3aad

4) Mustafe Shariif Maxamed
5) Cabdi Khadar Xasan Jaamac
6) Cismaan Maxamed Xuseen
7) Nuur Burjar Faarax, Jigjiga University
8) Axmed Cabdi Caagane
9) Axmed Daahir Sugaal
10) Axmed Bashiir Qaraf
11) Hibo Axmed Diiriye
12) Sheekh Aadan Abaadir
13) Sharmaarke Nimcaan Cusmaan


altaltalt  alt




Ugu Danbayntii markii ay guddiga Garsoorka ee Abwaanadu soo go'aamiyeen sida ay ugu kala darajo siiyeen dhamaan tartamayaashii ka qayb galay tartanka Gabayada ee Degaaanka Soomaalida, ayaa Madaxa Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska waxaa uu abaal marin gudoonsiiyay saddexda gabyaa ee ku kala guulaystay kaalimaha 1aad ilaa 3aad.

alt           
Waxaa ugu danbaystii khudbado gaagaab ka jeediyay Abwaan Gabyaa Cabdulaahi Macalin Axmed Dhoodaan & Abwaan Axmed Shiine oo hambalyo iyo bogaadin u jeediyay Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo isagu markii ugu horaysay gartay muhiimada ay leedahay kobcinta maansada & suugaanta Soomaalida.
alt                         alt
Waxaa kale oo khudbad guubaabo & dardaaran ah jeediyay Madaxa Xafiiska Waxbarashada ee Degaanka Soomaalida Mudane Cabdiraxamaan Sheekh Maxamed Bulxan (Gurey) oo ardaydii goob jooga ahayd ee cilmiga Social Science dhiganaysay ku booriyay inay wax ku qaataan sidii ay u ilaalin lahaayeen suugaanta Soomaalida.

alt                      

Tartankan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxa Xafiiska Dhalinyarada & Ciyaaraha Mudane Farxaan Xuseen, Madaxa Xafiiska Maalgalinta Mudane Qalbi Axmed, Ku Xigeenka DPPB, Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, Ku Sii Simaha Xafiiska HAPCO, Mudane Maxamuudf Heeryo. Madaxa Arrimaha Xisbiga ee Xarunta Dhexe ee XDSHS Mudane Ilyaas Cumar.

altalt
Sidoo kale, waxaa tartankan oo ay goob ka ahaayeen wafdigii ka socday Qurbo-Jooga khaasatan bahda Jigjiga TV ee dhawaanahan booqashada ku joogay Degaanka Soomaalida, ciyaaro dhaanto oo kala nooc nooc ah dhex taal ahaan ugu soo bandhigayay Dhalinta Caanka ku ah Fanka Qoobka Ciyaarka & Boodista Dhaantada ee Wadani Stars oo uu hor boodayo Fanaanka Dhaantada Sannadkan ee DDS Fanaan Cali Bashiir.



altaltCakaaraNews

Your E-mail and More On-the-Go. Get Windows Live Hotmail Free. Sign up now.