Jigjiga (CakaaraNews) Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Guuleed Casoowe ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay ergayda ka socotay Xarunta Dhexe ee Halabuur iyo xidhiidhka qalinlayda Af Soomaaliga ee Afka Qalaad loogu yeedho Somali Pen.
Ergayda Halabuur oo fadhigoodu yahay Jamhuuriyada Jabuuti oo ay hor kacayeen Tifatiraha Guud ee Halabuur ahna Gudoomiyaha Bahwaynta Qalinleyda Afka Somaaliga Dr Maxamed Daahir Afrax, Tifatire Aadan Xasan Aadan (Beleloo), Maareeyaha Farsamada ee Halabuur Cumar Siciid Bille, waxaa kaloo wafdiga ergada Halabuur la socday Cusmaan Buux Odowaa & Abubakar Saliid Buux.
Kulankan oo loogu gol lahaa daah furka Wargey Xilliyeedka Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida ee Halabuur oo laga sameeyay Caasimada Dawlad Degaanka Soomaalida ee Jigjiga waxaa si wadajir ah isaga kaashaday Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska, Jaamacada Jigjiga, iyo Xafiiska Waxbarashada ee Degaanka Soomaalida.
Kulankan maanta ka dhacay Xafiiska Warfaafinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta ugu sareeya ee Jaamacada Jigjiga iyo Ku Xigeenka Xafiiska Waxbarashada Mudane Cabdulaahi Gisile. Waxaa kaloo kulankan maanta goob jpoog ka ahaa Gudoomiyaha Degmada Jigjiga.
Kulankan oo uu furay Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada uu leeyahay afka Hooyo & xilka dadka ka wada saaran sidii loo ilaalin lahaa loona kobcin lahaa Afka Soomaaliga.
Waxaa dabadeed hadalka qaatay Guddomiyaha Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed (Somali Speaking Pen), Maxamed Daahir Afrax oo Warbixin guud oo dheer halkaa ka soo jeediyay, taas oo uu sawir cad ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay uu soo maray Naadiga Somali Pen.
Munaasabaddan waa fursad qaali ah, waxaana ku faraxsannahay in aynu u kulannay ujeeddo qaali ah oo ah horumarinta hal-abuur ku qoran afka Hooyo,"ayuu yiri Maxamed Daahir Afrax oo intaas ku sii daray.
"Waxaan aad ugu faraxsannahay in aan anagoo hal meel ku wada kulano Xafiiska Warfaafinta, Jaamacada Jigjiga, Xafiiska Waxbarashada, Halabuur & Somali Pen, waxaan u qaadaneynaa in ay yihiin saaxibada qalin-leyda, hal-abuurka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Waa fursad qaali ah" ayuu yiri Guddoomiyaha Somali-Speakin PEN.
Guddoomiyaha Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-Abuurka Soomaaliyeed Dr. Maxamed Daahir Afrax waxaa uu intaas ku daray in ay damacsan yihiin inay Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ay iska kaashanayaan sidii Caasimada Jigjiga looga abuuri lahaa Munaasabadda Carwo Buugeed oo leh seddex ahmiyadood oo kala ah:
1) Hirgelinta Erayga qoran
2) Horumarinta hal-abuurka ku qoran Afka Hooyo
3) Himad-gelinta iyo u hiilinta qorayaasha soo koraya, siiba kuwa wax ku qoraya Afka Hooyo, Soomaaliga.
Sidoo kale, waxaa madasha ka hadlay Mudane Aadan Xasan Aadan, Cumar Siciid, Cabdulaahi Gizile iyo masuuliyiin kale oo fara badan.
Ugu danbayntii waxay ergayda Halabuur & Somali Pen iyo masuuliyiintii ka socotay Xukuumada Degaanka Soomaalida & Jigjiga University ay booqashooyin kala duwan ku kala bixiyeen machadyada & xarumaha waxbarashada ee ka jira Degaanka Soomaalida.
CakaaraNews
Your E-mail and More On-the-Go. Get Windows Live Hotmail Free. Sign up now.
No comments:
Post a Comment