Thursday, April 01, 2010

Tartanka Gabayada oo Lagu Qabtay Caasimada Jigjiga

altJigjiga (CakaaraNews) Tartanka 1aad ee Gabayada & Suugaanta Degaanka Soomaalida ayaa maanta lagu qabtay Hoolka Shirarka Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee Caasimada Degaanka Soomaalida ee Jigjiga.


Tartankan oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Degaanka Soomaalida ayaa ah midkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Degaanka Soomaalida.


Tartankan oo ay ka soo qayb galeen tartamayaal tobaneeyo ah waxaa kaloo ka soo qayb galay marti sharaf isugu jirta masuuliyiinta Xukuumada Degaanka Soomaalida, bulshada rayidka ah & ardayda cilmiga social science ee dhigata fasalka 11aad ee Dugsiga Sare ee Jigjiga.
       
Waxaa tartankan tartamayaasha kala duwan u garsoorayay abwaano waawayn oo aadka looga danbeeyo dhinaca maansada suugaanta & dhaqanka e bulshada Degaanka Soomaalida.
       alt
Waxaa abwaanada ka mid ahaa Abwaanka Weyn ee gabyaaga ah ee Cabdulaahi Macalin Axmed (Dhoodaan), Abwaanka Daahir Cudhaadh, Abwaan Axmed Sheekh Cabdiraxmaan (Axmed Shiine), Gabyaa Faarax Gaarane Cabdi & Gabyaa Tirfe
         altalt

Tartankan oo aad u xiisa badnaa ayaa waxaa bilowgii furay Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Guuleed Casoowe oo aad ugu hambalyeeyay ka soo qayb-galayaasha sida geesinamada leh ee ay ugu soo dhiiradeen inay ka qayb qaataan tartankan oo aan hore Degaanka Soomaalida looga qaban.

Kadib khudbadii Madaxa Xafiiska Mudane Guuleed Casoowe waxaa loo guda galay tartankii gabayada, iyagoo tartamayaal tiradoodu dhan tahay 13 tartame ay muddo 3 saacadood ah soo jeedinayeen gabayo ay ku sharaxayaan halku dhiga tartankan loo qaatay oo ahaa "Horumar & Nabadgalyo".

Tartamayaasha oo isugu jiray dhalinyaro, arday, haween, shaqaale dawladeed, xubno booliska ka tirsan, culimo u diin, indheer garad, & aqoon yahan waxaa ay ka kala socdeen dhamaan qaybaha kala gadisan ee bulshada Degaanka.


altMagacyada tartamayaasha ayaa kala ahaa sidan soo socota

1) Badal Cabdulaahi Geele oo ku guulaystay kaalinta 1aad
2) Maxamed Muxumed Axmed oo ku guulaystay kaalinta 2aad
3) Cabdi Cali Nuur (Saxardiid) SPDP  oo ku guulaystay kaalinta 3aad

4) Mustafe Shariif Maxamed
5) Cabdi Khadar Xasan Jaamac
6) Cismaan Maxamed Xuseen
7) Nuur Burjar Faarax, Jigjiga University
8) Axmed Cabdi Caagane
9) Axmed Daahir Sugaal
10) Axmed Bashiir Qaraf
11) Hibo Axmed Diiriye
12) Sheekh Aadan Abaadir
13) Sharmaarke Nimcaan Cusmaan


altaltalt  alt




Ugu Danbayntii markii ay guddiga Garsoorka ee Abwaanadu soo go'aamiyeen sida ay ugu kala darajo siiyeen dhamaan tartamayaashii ka qayb galay tartanka Gabayada ee Degaaanka Soomaalida, ayaa Madaxa Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska waxaa uu abaal marin gudoonsiiyay saddexda gabyaa ee ku kala guulaystay kaalimaha 1aad ilaa 3aad.

alt           
Waxaa ugu danbaystii khudbado gaagaab ka jeediyay Abwaan Gabyaa Cabdulaahi Macalin Axmed Dhoodaan & Abwaan Axmed Shiine oo hambalyo iyo bogaadin u jeediyay Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo isagu markii ugu horaysay gartay muhiimada ay leedahay kobcinta maansada & suugaanta Soomaalida.
alt                         alt
Waxaa kale oo khudbad guubaabo & dardaaran ah jeediyay Madaxa Xafiiska Waxbarashada ee Degaanka Soomaalida Mudane Cabdiraxamaan Sheekh Maxamed Bulxan (Gurey) oo ardaydii goob jooga ahayd ee cilmiga Social Science dhiganaysay ku booriyay inay wax ku qaataan sidii ay u ilaalin lahaayeen suugaanta Soomaalida.

alt                      

Tartankan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxa Xafiiska Dhalinyarada & Ciyaaraha Mudane Farxaan Xuseen, Madaxa Xafiiska Maalgalinta Mudane Qalbi Axmed, Ku Xigeenka DPPB, Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, Ku Sii Simaha Xafiiska HAPCO, Mudane Maxamuudf Heeryo. Madaxa Arrimaha Xisbiga ee Xarunta Dhexe ee XDSHS Mudane Ilyaas Cumar.

altalt
Sidoo kale, waxaa tartankan oo ay goob ka ahaayeen wafdigii ka socday Qurbo-Jooga khaasatan bahda Jigjiga TV ee dhawaanahan booqashada ku joogay Degaanka Soomaalida, ciyaaro dhaanto oo kala nooc nooc ah dhex taal ahaan ugu soo bandhigayay Dhalinta Caanka ku ah Fanka Qoobka Ciyaarka & Boodista Dhaantada ee Wadani Stars oo uu hor boodayo Fanaanka Dhaantada Sannadkan ee DDS Fanaan Cali Bashiir.



altaltCakaaraNews

Your E-mail and More On-the-Go. Get Windows Live Hotmail Free. Sign up now.

No comments:

Post a Comment