Jigjiga (CakaaraNews) Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada ee Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa shaaca ka qaaday Bandhiga Fikir ku saabsan in taalo Taariikhi ah laga dhiso Tuulada Garawo oo ku taala duleedka Magaalada Dhagax-Buur oo koonfur magaalada kaga beegan masaafo gaadhaysa 15 Km. Fikirkaas uu soo bandhigay Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada ayaa daaha ka qaaday Taalo lagu xusayo Hashii caanka ahayd ee Garawo laga dhiso Tuulada ay ku aasan tahay ee Garawo.
Hogaanka Maamulka, Cadaalada & Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa soo bandhigay ifafaalo muujinaya in Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ay qorshaha sannad Misaaniyeedka 2003 ee soo socda ay ku darsadaan sidii ay u hirgalin lahaayeen kobcinta goobaha taariikhiga & hiddaha muhiimka u ah dhaqanka soo jireenka ah ee shacabka Degaanka Soomaalida.
Sida la wada ogsoon yahay waxaa Degaanka Soomaalida laga badalay waxyaabihii muujinayay mabaadiidii Soomaali Waynta ee ku jiray astaanta calanka ee Degaanka Soomaalida, kuwaas oo badalkoodii laga dhigay muuqaal neef geel ah (hal), taas oo dadka Degaanka aad uga farxisay siisayna kalsooni inay calankoodu ku salaysan yahay dhaqanka & hidaha shacabka Degaanka, maadaama dhamaan sagaalka Gobol ee Degaanku ka kooban yahay ay yihiin dad xoolo-dhaqato ah oo xoolaha Geeluna uu yahay ka ugu badan ee ay dhaqdaan.
Dhinaca kale, Kalfadhigii 6aad ee Gollaha Xildhibaanada ee Degaanka Soomaalida ee la qabtay Aprill 13keedii 2008, ayaa aad uga dooday badalida astaanta calanka, halkaas oo lagu soo bandhigay calaamado kala duwan oo ay ka mid yihiin Kebad, Hangool, Aqal Soomaali, Neef Lo' ah, Wan, & Neef Geel ah. Hogaanka Nabadgalyada Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo wakhtigaas ka tirsanaa Guddiga Astaanta Calanka ayaa aad ugu ololeeyay in la qaato neefka Geela, isagoo kaftan ahaan u soo dhigay in jacaylka ay shacabka Degaanka Soomaalida ay u qabaan Geela awgiis ay aaseen neef Geel ah, oo ah hasha ku aasan Tuulada Garawo. Sidoo kale, waxaa Hogaanku uu wakhtigaas ku booriyay in muuqaalka hasha ku calanka lagu sawirayo ay tahay shayga qudha ee dhamaan bulshada Degaanka Soomaalida midayn karta, oo ay aad u wada jecel yihiin
Sida ay sheegayaan khabiiro ka tirsan Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Degaanka Soomaalida, waxa ay ilaa hada asteeyeen in taalo sawirka hashii Garawo leh oo fadhida oo ka samaysan dhagaxa nooca loo yaqaan Bronze laga dhisi doono badhtamaha tuulada Garawo.Qorshaha Taalada Hasha Garawo ee laga taagayo Tuulada Garawo oo wali qabyo ah ayaa muujinaya taalo leh jimidhka hal neef geel ah oo caadi ah (Life Size Statue). Waxaa taalada oo design qabyo ah lagu soo bandhigay lagu muujiyay muuqaalka Hasha oo leh midabkii Casaan-Dacar ee lagu tilmaamay inay lahayd hashaasi. Sawirkan la soo bandhigay ayaa muujinaya Hasha oo si qurux badan u fadhida, isla markaana saaran saalo kor u dhisan oo laga dhex samaynayo meel badhtanka magaalada Garawo ah.
Sida ay sheegayaan xog ay CakaaraNews heshay waxaa kulan ay dhawaan isugu yimaadeen abwaano & suugaanyahano u dhashay Degaanka Soomaalida ay ku falanqeeyeen sidii loo yagleeli lahaa taalada hasha. Abwaan Cabdulaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) ayaa ku taliyay in taalada hasha laga dhigo mid fadhida. Abwaan Cabdulaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) waxaa uu sheegay in neefka Geela uu u fadhiisto saddex nooc balse hal nooc oo qudha ay u saamaxdo in neefka candhadiisa la arko. Abwaan Axmed Shiine ayaa isna laga soo wariyay in uu keenay midabka ay hashii Garawo lahayd
Sidoo kale, khabiirada hawshan gacanta ku haya ayaa sheegayaa inay u baahan yihiin wixii talo bixin, taageerid & tusaale ah ee ku saabsan dhismaha Taalada Hasha Garawo. Qofkii fikirkiisa ku darsanaya ha kala soo xiriiro info@cakaaranews.com
CakaaraNews
Your E-mail and More On-the-Go. Get Windows Live Hotmail Free. Sign up now.
No comments:
Post a Comment