Jigjiga (CakaaraNews) Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo kaashanaya Xafiiska Hogaanka Maamulka Cadaalada & Nabadgalyada ee DDS ayaa dhawaan aasaasay guddi isku dhaf ah oo looga dan leeyahay in lagu baadi-goobo halka uu ku danbeeyay maydkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Guddigan oo loogu magacdaray Guddiga Baadi-Goobka Xabaasha Sayid Maxamed waxay bilaabeen shaqadooda bishii aynu soo dhaafnay, waxayna haatan sheegayaan inay natiijooyin wax ku ool ah ka gaadheen raad guristii ay ku hayeen halka uu ku danbeeyay Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Sida uu Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ku sheegay war saxaafadeed lagu qabtay Xafiiska Mass Media Agency ee caasimada Degaanka Soomaalida ee Jigjiga, waxaa guddigan oo ka kooban khabiiro kala gadisan loo aasaasay inay darsaan isla markaana baadi-goobaan halka ugu danbaysay ee lagu aasay Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Sida la wada ogsoon yahay, waxaa Sayid Maxamed oo da'diisu 64 sanno jir ahayd uu ku geeriyooday Degaanka Soomaalida dhexdiisa, waxaana 21kii Bishii Decembar 1921 lagu aasay Buurta Sarmaan oo ku taala duleedka Iimeey Galbeed oo ka tirsan Gobolka Afdheer.
Waxaa xabaashii Sayidka maydkiisa laga saaray horaantii 1927, iyadoo ilaa haatan aan la garanayn meesha dhabta ah ee uu ku aasan yahay. Hadaba waxaa guddiga Baadi-Goobka oo shaqadooda ka bilaabay Degmada Iimeey Galbeed ay ilaa hada diiwaan galiyeen 22 goobood oo lagu tuhunsan yahay in Sayidku ku aasan yahay.
Hawl-Galka Baadi-Goobka
Muuqaal hordhaca oo ay soo daayeen Guddiga Baadi-Goobka Xabaasha Sayidka ayaa dhawaan loo qaybiyay unugyada saxaafada ee Degaanka Soomaalida.
Cajaladaas oo aan galinay Bogga CakaaraNews ayaa muujinaya waraysi dhawaan Guddiga Baadi-Goobka Xabaasha Sayidka ka qaadeen dad loogu tagay agagaarka Buurta Sarmaan.
Waxaa dadkaas ka mid ah oday da'diisu tahay 107 sanno jir oo la yidhaahdo Makaahiil Cabdulle Aadan oo isagu ka mid ahaa dhalinyaradii 1927dii ka qayb qaatay soo saarista maydka Sayidka. Waraysigan oo aad muhiim u ah ayaa muujinaya sheekooyin fara badan oo aan hore dadka taariikhda darsa ayna u ogayn.
Madaxa Xafiiska Warfaafinta Mudane Guuleed Casoowe wuxuu sheegay in hordhaca daraasaadka ay guddigu ilaa haatan heleen ay cadeeyeen in Sayidka laga yaabo inuu ku aasan yahay mid ka mid ah 22 xabaalood oo ku kala yaala saddex Dawlad Degaan oo kala ah Degaanka Soomaalida, Degaanka Orromiya, iyo Degaanka Shucuubta Koonfureed.
Waxaa uu Mudane Guuleed Casoowe uu sheegay inay ka codsanayaan qof Alla qofkii ka tirsan ama ka soo jeeda tafiirtii Sayid Maxamed Cabdille Xasan inay ugu soo tabarucaan muunad hiddo-side (DNA), si loogu kala saaro lafaha ku jira dhawr & labaatankan xabaalood ee haatan la beegsanayo.
Mudane Guuleed Casoowe oo ka hadlaya sida ay suuro gal u tahay in maydka Sayidka loo soo celiyo hadii uu ku aasan yahay Degaan kale oo ka baxsan Degaanka Soomaalida, wuxuu sheegay in "Marka xogaha aan ilaa iminka helnay laga duulo, waxay 90% u eg tahay in Sayid Maxamed uu ku aasan yahay meel ka baxsan Degaanka Soomaalida, balse taasi nagama hor istaagayso inaan dalbano in dib loogu soo celiyo Xabaashii Sarmaan ee uu hore ugu aasnaa" ayuu yidhi Mudane Guuleed Casoowe.
Dib U Dhiska Qalcada Iimeey
Sida uu sheegay Mudane Guuleed Casoowe, waxaa xafiiska Hogaanka Nabadgalyada & Xafiiska Warfaafinta ay isku af garteen in si wadajir ah ay iskaga kaashadaan dib u dhisida Qalcadii Iimeey ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee ku taalay dusha Buurta Sarmaan. Qalcadan oo haatan la burburiyay ayaa waxaa wali buurta Sarmaan dusheeda laga arkaa raadkii & aasaaskii ay lahayd Qalcada Iimeey.Qalcada Iimeey oo ahayd gabaadkii ugu danbeeyay ee uu dhisto Hogaamiyihii Daraawiishtii iyo bartii ugu horaysay ee lagu aaso Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxay ku taala meel strategic ah oo saaran qarka wabi Shabeele, halkaas oo uu u doortay muhiimada xeelad difaac & samatabax, maadaama ay leedahay hal kadin oo qudha oo marinka qalcada laga gali karo.
Sidoo kale, ayaa waxay Qalcada Iimeey ku taalay meel u dhaw biyaha Wabiga Shabeelle oo u saamaxayay inay si fudud u helaan biyaha ay ciidanku cabaan.
Guddiga isku Dhafka ee laga aasaasay labadan Xafiis ayaa soo bandhigay sawir ay ku tilmaamayaan inuu u eg yahay qalcadii Iimeey xilligii Sayid Maxamed Cabdulle xasan, waxayna Guddigu sheegeen inay damacsan yihiin inay qabtaan carwo lagu uruuriyo dhaqaale (fund-raising or teleton exhibition) si ay ugu helaan maaliyad dib loogu dhiso qalcadii Iimeey ee Buurta Sarmaan ku dul taalay.
Dhinaca kale, waxaa Madaxa Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo cadadka lacageed ee ku baxaya hawsha dib u dhisida Qalcada Iimeey.
Ka Qayb Galka Muwaadinka
Wuxuu Mudane Guuleed Casoowe uu sheegay in Ciidamada Sida Gaarka ah U Tababaran ee Liyuu Boolisku u yabooheen inay muruqooda kaga qayb qaataan dhamaan wixii shaqo ah ee looga baahdo hawsha dib iu dhisida Qalcada Iimeey.
Sidoo kale, waxaa Mudane Guuleed uu carabka ku dhuftay in wali qorshaha dib u dhisku uu yahay mid qabyo ah oo u baahan in kolka hore xukuumadu ay gaadho go'aan goobta Sarmaan looga dhigayo inay tahay Regional Heritage Site, si ay ugu sahlanaato in dib u dhiska loo guda galo.
Hadaanu nahay bahda CakaaraNews, waxaan dhamaan shacabka Degaanka Soomaalida meel kasta oo ay joogaanba ku boorinaynaa in ay ka qayb qaataan dedaalka loogu jiro ilaalinta taariikhda & attaarta shacabka Degaanka Soomaalida, taasoo ah xil saaran qof kasta oo muwaadin ah oo jecel ilaalinta & kobcinta dhaqanka & hidaha dadkiisa.
CakaaraNews

Hotmail: Trusted email with powerful SPAM protection. Sign up now.
No comments:
Post a Comment