Saturday, May 01, 2010

Dhibaatada Wadada Laga Dhisayo Magaalada Jigjiga & Maamulka Dawlada Hoose oo Ka Aamusan Mashaqada

Jigjiga (GuledCasoweBlog) Waxaa labadii sanno ee u danbeeyay magaalada Jigjiga ka socday mashruuca dhismaha wadada laamiga ah ee magaalada badhtankeeda dhex marta. Wadadan oo markii hore laami (asphalt) ahayd, ayaa waxaa mashruuc laga maalgalinayo dawlada Federaalka loo qorsheeyay in 4 laab balacii hore ee ay lahayd la balaadhiyo iyadoo laga dhigayo wado afar haad ah.


Hadaba wadadan oo dhismaheeda ay qaadatay Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo la yidhaahdo RBCC ayaa dadku ay aad uga cabanayaan sida ay uga caga jiidayso hawsha dhismaha ee laamiga. Muddo laga joogo laba sanno iyo saddex bilood ayaa markii ugu horaysay la bilaabay duminta iyo balaadhinta guryaha ku yaalay dhinacyada wadada, waxaana ay shirkada RBCC ay sidoo kale baabi'isay laamigii hore ee wadada ku yaalay iyadoo qiyaastii mitir dhulka hoosta u qoday.



 

Baabi'inta wadadii hore ee laamiga ahayd ayaa magaalada ku keentay in boodh fara badan ay abuuraan gaadiidka isticmaala wadada oo ah halbowlaha ugu muhiimsan ee isku xidhka magaalada. Sidoo kale, ayaa xilligaay roobku da'o, waxaa wadadu ay noqotaa meel aad u dhiiqo badan oo aan la mari karin.


Kadib markii shirkada RBCC uu cadaadis badan kaga yimid dhinaca Xukuumada Degaanka iyo ta Federaalka ayaa ay hawshii dib u bilaabeen iyagoo balse hadana xaasidnimo u caqabadeenaya shacabka magaalada Jigjiga ayaa waxay Shirkada RBCC iyo shirkada u ah Consultantiga oo la yidhaahdo Roughton ay go'aansadeen inay magaalada kala xidhaan iyagoo gooyay dhamaan wadooyinkii dhinaca Waqooyi iyo Koonfur kaga soo dhacayay Wadadan.


altGoynta wadooyinka ku soo aroora wadada wayn ayaa dadka badankii u arkaan inayna ahayn wax ku lug leh shaqada ka socota dhisida wadada laamiga ah oo hada taagan ama in yar oo shaqo ah ka wadaan dhanka galbeed ee magaalada. Kala goynta isku socodka gaadiidka & shacabka ayaa sababay in gaadiidka iyo shacabkuba ay maraan wadooyin googo'an oo dhibaato badan u keenta gaadiidka shacabka.


Waxaa aad u adag in aad magaalada hadii aad joogto dhinaca koonfureed (xaafadaha 01,02, 03, 04, 08, 09, iyo 010,) aad u gudubto dhinaca waqooyi (xaafadaha 05, 06, 07, 011,). Waxaa ay iskuulada iyo goobihii ganacsiga ahaa ka hor qodeen godad aad u dhaadheer oo ayna xil iska saarayn inay ka ilaaliyaan in dhibaato shacabka ka soo gaadho. Intii aan wadnay baadhitaanka dhibaatada laamiga ah waxaa naloo sheegay in laba caruur ah oo arday ka ahaa dugsiga Hoose Dhexe ee Wiilwaal ay dhibaato ka soo gaadhay markii ay ku dhaceen godadka laga hor qoday Dugsiga hortiisa.


Dhinaca kale, Wasiirka Hawlaha Guud  Eng Faysal oo aan waxa ka waydiinay mashaqadan ayaa noo sheegay in ka badan kun jeer uu maamulka Dawlada hoose kala hadlay inay dhibaatan dadka haystada wax laga qabto. Wuxuu Wasiirku sheegay in "Waxaad arkaysaa wadooyin aan wax shaqo ah laga haynin hadana ujeedo kale loo xidhayo." Isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa Wasiirku yidhi "Shirkadan dhisaysa wadadan waxay u dhaqmaysaa si ka duwan sida ay degaamada kale uga shaqayso, taasina ma aha wax loo dul qaadan karo. Hadii shaqo lawado xataa, waa in aan dadka lagu dhibaatayn oo wadada inta shaqada lagu hayo mooyee inta loo furaa oo loo fududeeyaa shacabka" ayuu yidhi Wasiirku.


Dhinaca kale, Maamulka Dawlada Hoose oo kala ah Duqa Magaalada Jigjiga Mudane Cabdisalaan Axmed Ibraahin iyo Ku Xigeenka Duqa Magaalada Xaaji Yuusuf Sheeekh Cabdi ayaa u muuqda inayna wax dan ah ka lahayn dhibatada lagu hayo shacabka. Waxaad daafaha wadada kala xidhan ee magaalada Jigjiga aad ku arki qof curyaan ah oo aan magaalada dhinaca uu joogo mooyee dhinaca kale u talaabi karayn, taasina waa arrin aad looga murugoodo oo qofka damiirka leh uuna u adkayysanayan.


alt
Dhinaca kale, Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe oo aan arrimahan wax ka waydiinay ayaa noo sheegay in dhibaatada inta arkayaa ay tahay wax yar oo dhibka ugu wayn ee shirakadan RBCC iyo Roughton ay degaanka ku hayaan ay tahay wax aad looga naxo. Waxaa uu Mudane Guuleed Casoowe BBC tusay sawir laga soo qaaday Figta Sare ee Buurta Kaaramardha halkaas oo lagu arkay khasaaraha laxaadka leh ee bii'o ee shirkadahan ku hayaan Degaanka.



Sawirka waxaa uu muujinayaa in dhul aad u wayn oo ku yaala cidhifka Bari ee Buurta Kaaramardha ay shirkadahan u gaysteen dhaawac aad u balaadhan iyagoo dumiyay qar aad u wayn, isla markaana mashaqeeyay (polluted) degaankii iyo bii'adii ku hareeraysneed meeshaa. Waxaa uu Mudane Guuleed Casoowe uu sheegay in "Dhagaxa & carada ay ka qaadaan halkan ayaa lagu dhisaa wadada u dhaxaysa Baabili & Harar oo ka tirsan Degaanka Orromiya. Dhibaatada bii'o ee ay abuureen waxay khasaaraheedu gaadhaysaa Bilyan Birr" ayuu yidhi Mudane Guuleed Casoowe.


Buurta Kaaramardha oo ah Buur aad u caan ah ayaa waxaa xukuumadihii hore ay ahayd aag milatari, taasoo faa'iido badan u keentay in Buurtu ay ka badbaado polution iyo in lagu ciyaaro. Balse, maanta miyay Dawlada Hoose garan wayday in dhaawaca loo gaystay Buurta KaaraMardha uu dhibaato u gaysanayo adeega dalxiiska ee Degaanka Soomaalida.



Isku soo wada duuboo, Maamulka Dawlada Hoose ayaanan u muuqanin inuu ka hadlo ama wax ka yidhaahdo dhibaatada haysatda Shacabka ku nool Magaalada Jigjiga. Dhaqaale burburka, dhaawaca jismiyeed ee soo gaadhaya shacabka iyo hantida shacabka iyo ta dawlada ayaa ah wax aan cadad lagu qiyaasi karin.


Sawirkan waxaa uu muujinayaa dhibaatada bii'o ama degaaneed ee ku habsatay Magaalada Jigjiga ilaa intii dhismaha wadada laamiga ah la bilaabay.


GuledCasoweBlog


Hotmail: Powerful Free email with security by Microsoft. Get it now.

No comments:

Post a Comment