Jigjiga (GuledCasoweBlog) Madaxa Xafiiska Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Guuleed Casoowe ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdiga Guddiga Midowga Yurub u qaabilsan goob joogida Doorashooyinka bishan ka dhic doona Degaanka Soomaalida.
Guddigan oo dhawaanahan joogay Degaanka Soomaalida waxaa ay kala ahaayeen Mudane Robert Jacek Lech iyo Marwo Benedetta Odorisio. Gudiga Goob Joogista Doorashooyinka ee ka socda Midowga Yurub waxaa hogaaminaya Mudane Thijs Berman oo wakiil ka ah baarlamaanka Dutch, ahna xubin ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub, oo xubin ka ah Xisbiga Shuuciga ee Yurub.
Mudane Robert Jacek Lech iyo Marwo Benedetta Odorisio waxay sheegeen in mandate shaqadoodu ay tahay si waafaqsan xeerka caalamiga ah. Sida uu dhigayo Xeerka Anshaha (u4661), waxaa ergada Midowga Yurub ay yihiin kuwo dhexdhexaad ah oo xor ah.
Waxay Mudane Guuleed iyo Ergada Midowga Yurub waxay ka wada hadleen geedi socodka guud ee marxalada doorashada si waafaqsan xeerka anshaxa doorashooyinka qaranka. Mudane Guuleed waxaa uu tibaaxay sida wanaagsan ee nabadgalyada ah ee ilaa hada ay u socoto ololaha doorashooyinka.
Mudane Guuleed Casoowe waxaa uu ergada Midowga Yurub u sheegay in ololaha doorashooyinka uu haatan socdo, wuxuu kaloo tilmaamay xoriyada ay leeyihiin asxaabta siyaasadeed iyo inay musharixiintooda ay shiriyaan iyo fikradahooda soo dhaweeyaan xoriyada ay u leeyihiin.
Wuxuu Mudane Guuleed Casoowe u sheegay in Xisiyada Siyaasada iyo ashkhaasta sida shaqsiyanka ah u tartamaysa ay u madax banaan yihiin inay shiraan, isku yimaadan, ay qabtaan bandhigyo rally ah, inay shacabka u bandhigaan fikirkooda. Waxaa uu Mudane Guuleed Casoowe xusay in Degaanka Soomaalida uu haatan u soo bislaaday dimuqraadiyada xorta ah oo aan ahayn wax uu si fudud ku helay. Waxaa uu mudane Guuleed guddiga u sheegay in dhawaan magaalada Jigjiga Xisbiga mucaaridka ah ee SoDAF (Somali Democratic Alliance Forces) uu shir ku qabtay, si madax banaana u dhamaystay.
Mudane Guuleed waxaa uu sheegay in doorashadani ay tahay mid si dimuqraadiyeed loo hirgalinayo oo asxaabta siyaasadeed ay xor u yihiin in bilaash ay ku helaan baahinta ujeedooyinka iyo ahdaafta siyaasada xisbigooda, iyagoo adeegsanaya warbaahinta dalka.
Mudane Guuleed Casoowe iyo ergada Midowga Yurub waxay isla soo qaadeen sidii ay wadajir uga wada shaqayn lahaayeen in doorashadan ay noqoto mid si xor, cadaalad iyo dimuqraadiyad ah u dhacda.
Ugu danbaystii waxay Ergada Midowga Yurub ee Mudane Guuleed Casoowe gudoonsiyeen qoraalo iyo cajalado ka hadlaya hawlaha horumarinta ee Midowga Yurub uu ka wado dalka.
GuledCasoweBlog
Hotmail: Powerful Free email with security by Microsoft. Get it now.
No comments:
Post a Comment